Khilaafkii Ururka Suxufiyiinta Puntiland Ee ‘MAP’ iyo W/Warfaafinta Puntiland Oo Xoogeystay.

0
249
War Sugan Oo Aan Dhanna Ujanjeerin

Khilaaf Xoogan Ayaa Soo kala dhexgalay Gudiga U dooda Xuquuqda Sixufiyiinta Puntiland ee Magacooda Loosoo gaabiyo MAP Iyo Wasaaradda Warfaafinta Puntiland.

Khilaafkan ayaa yimid kadib Markii wasaaraddu ay soo saartay Amar Adag oo ku qotoma Saxafiyiinta Puntiland kaasi oo ku saabsanaa in Wariye yaasha ay is diwaan galiyaan.

Wasaaraddu waxaa ay sheegtay in Suxufi aan is diiwaan Lagalin Aan Loo Aqoonsandoonin Suxufi iyadda oo dhinaca kalena Wasaaradu amartay in ladiiwaangaliyo Xarumaha Warbaahinta si loola socda Shaqada ay hayaan.

Qodobada kale ee Muranka Badan dhaliyey waxaa kamida In Wasaaradu ay sheegtay in Wariyihii aysan Khibradiisu wanaagsanen ee isdiwaangaliyey lagala noqon doono Ruqsada.

Balse Gudoomiyaha Ururka Suxufiyiinta Puntiland ee MAP Maxamed Daahir Ceynsane oo Kajawaabaye ayaa Sheegay in Qodobadda ku Xusnaa Amarka kasoo Baxay Wasaaradda Warfaafinta Puntiland ay tahay Mid Baalmarsan Dastuurka iyo Qodobadii Hore loogu Wada Heshiiyey.

Ceynsane waxaa uu sheegay in Shaqada Diiwaangalintu ay tahay mid aysan shaqo ku laheen Wasaaradda Warfaafinta oo ay kushaqa leeyihiin Gudiga Sare ee Warbaahinta.

Balse dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Puntiland Sabareeye ayaa dhankiisa Sheegay in Gudduga Madaxa Banaan ee Warbaahintu uu yahay Mid fadhiid ah Arintanna ay tahay mid Muhiim u ah Maamulka Puntiland.

Qaar badan oo kamida Saxafiyiinta Puntiland ayaa iyaguna Ka walaacsan Sida uu usaameyn doono Amarkan ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta iyagga oo ku laabqabowsanaya Diidmada Gudiga Udooda Xuquuqdooda Ee MAP.