Eedeyn Loo Jeediyey Xassan Sheakh, iyo Sheakh Shariif.

0
248

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Shacabka ee BFS ayaa eedeyn culus u jeediyey Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Jeesow ayaa sheegay in labada Madaxweyne ay qorsheynayaan inay tegaan Kenya, kadibna ay ka galaan Kismaayo, iyadoo halkaasi looga qaadayo diyaarado Helicopter ah.

Sidoo kale wuxuu sheegay in taasi haddii ay ku dhaqaaqaan ay dhaaweyso sharafka dowladnimo ee Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Walaalayaaloow Ha Tahriibinaha, Kenya ha ugu tagina si ay idiinkuugu soo Daabusho Hele-Coptaradeeda idinka oo leh Dowladeenii ayaa Airporta inoo diiday, taasi waxaa ay idiin Tahay Sharaf dhac Weyn” ayuu yiri Daahir Amiin Jeesoow.

Dhinaca Kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa Sheegay in Axmed Madoobe uu Yahay Dambiile lagu raadjoogo Lana soo qaban doono.

“Axmed Madoobe waa la soo qabanayaa Waana loo maxkamadeynayaa Dambiyo ay Dilal kamid yihiin oo uu galay” ayuu yiri Jeesoow.