Mooska Iyo Shan Shey Oo Kale Oo Gaabis Ka Ah Dunida.

0
255

Gabaabsigu waa wax dunida ay haatan dareentay, kuna oo baraarugeyso, waxaana laga yaabaa in dabcan in aad maqashay hadalo ay kamid yihiin biyo yari, shidaal yari iyo dabcan malabka oo yaraaday, balse waxaa jira kheyraad kale oo dunida kusii yaraanaya, taas oo la sheegay in ay ugu wacan tahay si khaldan wax u adeegsiga, saameynna ku yeelan karta noolasha dadka.

Halkan waxaan idin kugu soo gudbineynaa lixdaas arrimood

1. Waxyaabaha dul dhooban meeraha

Earth, it's orbit full of space junk

Haatan la joogo, waxaa meeraha caalamka la sheegay inay dul sabeynayaan nus Malyan shey oo dalal badan oo caalamka ay hawada u direen. Laba kun oo kamid ah ayaa la sheegay inay shaqeynayaan, kuwaas oo ay kamid yihiin dayax gacmeedka loo adeegsado isgaarsiinta, hannaanka wax tilmaama ee loo yaqaano GPS iyo telefishenada laga baahiyo dunida oo dhan.

Inta kale waxaa la sheegay inay yihiin qashin ka haray gantaalo hawada loo diray iyo waxyaabo kale o aan sidaas muhiim u ahayn.

Haddaba dhibaatadu maxay tahay? Iyadoo intaas shey ay dul sabeynaya meeraha ayaa haddana maalin walba waxaa hawada loo diraa waxyaab cusub, maadaam Tiknoljiyadda na ay sii horumareyso, waxaa marwalba sahlanaanaya in wax cusub hawada loo diro.

Walow warkaas wanaagsan uu jiro, hadana malahan hannaan kala haga waxyaabahaas hawada dul sabeynaya, mana jiro qaab looga nadiifin karo hawada oo u muuqda kuwa wasakheynaya.

Marlwaba oo waxyaabahaas haraadiga ay isku dhacaan waxaa la sheegay inay dhibaato u geysanayana waxyaabaha gacanta ka geysta isku xirka dunida oo ay kamid yihiin taleefoonada gacanta iyo waxyaabo kale.

Inkastoo dedaal loogu jiro arrintaas, haddana ma muuqdo xal dhab ah oo wax looga qabanayo.

2. Bacaadka

A sand dune in the desert

Waxaa laga yaabaa in aad isweydiineyso carrada ama xaanida meel walba oo dunida taala sababta ay gabaabsi u noqon karto. Sidee haddaba xaani yari ay dunida uga dhici kartaa iyadoon ognahay in dhulka saxaraha ah iyo xeebaha ay buuxaan xaanida ama carrada bacaadka ah.

Haddaba xaqiiqda waxaa ay tahay in bacaadka uu kamid yahay waxyaabaha aad looga guro dhulka, maadaama loo adeegsado dhismayaasha iyo waxyaaba kale ayaa waxaa ay Qaramada Midoobay ay sheegtay inay adag tahay in dib uso kabasho sameeyaan goobaha laga guro bacaadka.

Nabaad guurka ciidda waxa ay halis galisaa jiritaanka nolosha oogada dhulka, gaar ahaan nooleyaasha sida dhirta oo cunto laga helo iyo xayawaanka kale ee ciidda ku nool.

3. Curiyaha Helium

Maadada Helium waxaa loo isticmaalaa arrimo caafimaadMaadada Helium waxaa loo isticmaalaa arrimo caafimaad

Maadada Helium ee neefta ah ayaa ka mid ah waxyaabaha gabaabsiga sii ah, waxaana laga soo qodaa dhulka hoostiisa, waxaana aad u yar kaydka hadda dhulka ku haray.

Xeeldheerayaasha qaar waxa ay ku qiyaasayaan in kaydka gaaska helium uu dhammaan karo 50 sanno ee soo socda.

Marka laga tago buufimada loo isticmaalo maadadan ., waxase ugu muhiimsan ayaa ah dhanka caafimaadka oo loo adeegsado qalabka caafimaadka ee raajooyinka.

Qalabkan ayaa waxa uu wax weyn ka taray in la ogaado xanuunka haya dadka sida Kansarka.

4.Muuska

Bal malee mustaqbal muus la'aan ah?Bal malee mustaqbal muus la’aan ah?

Inta badan muuska hadda suuqa ku jira waxaa la sheegay in ay halis kasoo wajahday xanuun lagu magacaabo Panama.

Waxaana jirta in muuska uusan lahayn wax iniin ah oo lasii beeri karo.

Dad cilmi-baarayaal ayaa hadda ku mashquulsan sidii ay u heli lahaayeen wax badiil ah.

5. Ciidda

Dalaga oo dhan waxaa lagu beeraa oogada sare ee ciiddaDalaga oo dhan waxaa lagu beeraa oogada sare ee ciidda

Inkasta oo ciidda aysan gabaabsi ku jirin, haddane waxaa la sheegay in dhulkii beerashada ku wanaagsanaa ee carro-sanka ahaa in waxyeelo weyn soo gaartay.

Lakabyada ugu sareeya ciidda oo ah meesha wax lagu beerto ayaa la sheegay in uu ku dhacay nabaad guur.

waxyaaaha saamaynta xun yeeshay ayaa waxaa ka mid ah beerashada, xaalufka dhirta iyo sii kululaanshaha aduunyada.

Arrimahan oo dhan waxa ay horseedi karaan in uu hoos usii dhoco wax soo saarka cuntada adduunka.

6. Curiyaha phosphorus

Waa maadada sababta in uu taraqa daarmo ama dab dhaliyoWaa maadada sababta in uu taraqa daarmo ama dab dhaliyo

Maadadan oo ah mid kiimiko oo durba falgal amayn karta , waxayna xitaa ku jirtaa hiddo-sidayaasha qofka ee DNA loo yaqaano , iyada oo sidoo kale qeyb ka ah waxyaabaha lagu bacrimiyo beeraha.

Waxaa la sheegay in si qaldan loo isticmaalay maadadan, lagana yaabo in ay gabaabsi ku tahay dunida.