Madaxweyne Saciid Deni Oo Haweeney Xil U Magacaabay.

0
298

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa u magacaabay wakiil cusub oo Puntland u qaabilsan qurba-joogta reer Puntland ee ku nool carriga Maraykanka Mulki Cabdisamad Xuseen.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Puntland oo tirsigeedu yahay Lr-68 ayaa Mulki loogu magacaabay xilkan ” kadib markii la arkay baahida loo qabo xoojinta xiriirka u dhexeeya dowladda Puntland iyo Qurba-joogta reer Puntland ee ku nool waddanka Maraykanka” waa sida lagu yiri digreetada.

Akhriso digreetada xilka loogu magacaabay Mulki Cabdisamad Xuseen.