Diyaarad Qaadi Laheyd Sheakh Shariif Oo Muqdisho Lagu Xanibay Iyo Kulamo Muqdisho Ka Socda.

0
219

Diyaarad Qaadi laheyd Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheakh Shariif Sheakh Axmed ayaa Maanta Lagu Xanibay Airportka Aadan Cade ee Magaaladda Muqdisho sida Gargaar.net ay u xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonaan karo.

Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheakh Axmed oo La socday Duyaarad Shacab ayaa kasoo Duulay Dalka Turkiga isaga oo Muqdisho Doonaye in uu uga sii gudbo Magaaladda Kismaayo si uu uga qeybgalo Caleema Saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Shariif Sheakh Axmed Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Oo Maanta Muqdisho Lagu Xanibay.

Balse Dowladda Soomaaliya ayaa Diyaaradda ku amartay in ay qaado Shacabka oo kaliya Balse aysan qaadi karin Siyaasi iyadda oo Sheakh Shariifna uu Xilligaa ku sugnaa qeybta Nasiinadda Madaxda ee Garoonka Sida Xogo lagu kalsoonaan karo aynu ku heyno.

Madaxweynihii Hore Ee Soomaaliya Shariif Sheakh Axmed Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran.

Hogaamiyaha Xisbiga Himilo Qaran ayaa Doonaye In Muqdisho uu kaga Gudbo Kismaayo Balse Ma aysan dhicin.

Maamulka Jubbaland oo arintan Ka carooday ayaa Diyaaradda ku amray in aysan kasoo Degi karin Garoonka Diyaaradaha Kismaayo hadii aysan wadin Sheakh Shariif Balse Amaradan is khilaafsan ayaa Diyaaradda kuqasbay in Socdaalkeeda uu Baaqdo.

Xilligan waxaa Muqdisho ka soconaya Kulamo Kulamo ay wada qaadanayaan Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Sheakh Shariif Sheakh Axmed iyo Madax katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo isugu jira Madax hore iyo Xubno ka socda Golayaasha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynayaashii Hore Ee Soomaaliya Shariif Sh/Axmed Iyo Xasan Sheakh Maxamuud Oo Kulansan.

Xubnaha ilaa Haatan Booqday Hoyga Sheakh Shariif waxaa kamida Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Xassan Sheakh Maxamuud, Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaan C/Qaadir Cosoble, Taliyihii Hore ee NISA Sanbalooshe iyo Madax Kale.

Kulamadan waxaa ay ka socdaan Hoyga Muqdisho uu ka degen yahay Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Shariif Sheakh Axmed iyagga oo lagu Gorfeynayo Shariifka iyo Saaxiibadii Talaaban Kadib Waxa iyagga la gudboon.

Wixii Akhbaaraadkan kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net “U Hiiliyaha Umadda Soomaaliyeed”.