Wararkii Ugu Dambeeye Qarax Geestay Dhimasho Iyo Dhaawac Oo Caawa Gilgilay Muqdisho.

0
220

Qarax Xoogan ayaa Caawa waxaa uu ka dhacay Isgoyska Xaaji Baasto ee Magaaladda Muqdisho.

Waxaana ilaa hadda la ogeyn Nuuca Qaraxan iyadda oo ay kasoo baxayaan Warar is khilaafsan Oo Qaarkood wararku aan helnay ayaa Tilmaamaya in uu ahaa Qarax Miino oo dhulka lagu aasay halka qaarkalena ay shegayaan in uu ahaa mid Gaari lagu xiray.

Dad goob jooge ah ayaa Gargaar.net u sheegay in Ilaa sedex ruux ay ku geeritootay Qaraxa oo labo kamida ay yihiin Askar halka Qofka kalena uu yahay Shacab.

Sidookale waxaa lagu soo waramayaa in Uu dhaawac kasoo garay qaraxa labo Ruux oo Shacab ah.

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliya ayaana weli ka hadlin Qaraxan Balse Ciidamo Katirsan Laamaha Ammaanka ayaa goobta soo gaaray kuwaasi oo wada Baaritaano.

Sidookale majirto Cid Sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxan.

Wixii kusoo kordhaa dib ayaan idinkaga soo daabici doonnaa insha’allh.