Madaxweyne Saciid Deni Oo Madaxda DFS uga Digay Muddo Kororsi.

0
255

Madaxweynaha maamulka Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Sheegay in Wax aan la aqbali karin ay tahay In Mudo kororsi ay Sameeyaan Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Mudooyinkanba Waxaa soo baxaye Xogo sheegaya in Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya ay kawada shaqeynayaan Mudo kororsi la sheegay in lagu kordhinayo waqtiga Hey’adaha Dowladda.

Saciid Cabdullaahi Deni waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay Heshiis ku tahay oo kaliya In Afartii Sano ba Mar laqabto Doorasho balse aysan suuragal aheyn Mudo kororsi.

Waxaa uu sheegay in Mudo Labo Sano iyo Bar ka badan in ilaa iminka aysan Dhisneen oo aysan Cadeeyn Nuuca Doorasho ee 2020-ka Balse uu rajeynayo in Sida ugu Dhaqsoyaha badan loo cadeeyo meesha la higsanayo iyo Halka ay wax marayaan.

Dhawaan Xildhibaan Maxamed Nuur oo kamida Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Xubnaha Baarlamaanka uga digay in ay taageeraan Qorshaha Mudo kororsiga ahi.

“Xildhibaanada Qaar War kama hayaan Sirta arintan ku duugan, waxaa ay uheestaan in ay sii joogayaan, Balse marka ay arintan taageeraan waxaa xigi doonta in lagala diro oo lagu yiraahdo wadanku dagaal ayuu kujiraa mushaarkiinana Ciidamadda ayaa la siinaa” ayuu yiri Xildhibaanka oo dhawaan lahadlay midkamida Idaacadaha Muqdisho.

Tan iyo Burburkii Dowladdii Dhexe ee Dalka waxaa Soomaaliya ay heshiis ku aheyd Afartii sanoba Mar in ay Doorasho Dhacdo waxaase cid walba ay indhaha kuheysaa dhagtana utaageysaa sida ay DFS ugu hirgali doonto Arintan.