Madaxweyne Farmaajo “Siyaasiyiinta Iyo Waxgaradka Galmudug Hala Yimaadaan Isku Tanaazul”

0
229

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Sheegay in Dadka Soomaaliyeed Dhammaantood ay yihiin kuwa isku baahan oo aan sinaba ukala Maarmin.

Madaxweynaha ayaa hadalkan Sheegay Xilli uu xalay soo xiray Shirweynaha Dib-U-Heshiisiinta Magaaladda Dhuuso-Mareeb uga Scday Beelaha Daga Galmudug.

“Wax walba Waxaa ay ku wanaagsan yihiin Isku Tanaazul, Dadaalada Hada Ka socda Dhuuso-Marebna waxaa ay ku yimaadeen Tanaazul ay sameeyeen Madaxda Ahlu-Sunnah oo uu ugu Horeeyo Maxamed Shaakir” ayuu yiri Farmaajo.

Waxaa uu ugu Baaqay Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Soomaaliyeed ee Kasoo jeeda Deegaanadda Galmudug in ay la yimaadaan Isku Tanaazul.

Marka aad aragto arin Isku Cakiran waxaa looga bixi karaa oo kaliya isku Tanaazul, Dhuuso-Mareeb Kama Maaranto Guriceel, Cabudwaaq Kama Maaranto Cadaado, Marka waa in isku tanaazul uu jiraa ayuu hadalkiisa Raaciyey Madaxweyne Farmaajo.

Hadalka Madaxweynaha Ayaa imaanaya iyadda oo Mudooyinkii ugu Dambeeyey Magaaladda Dhuuso-Mareeb ee Gobolka Galgaduud uu kasoconaye Dadaalo Dib-U-Hehiisiineed oo lagu baadigoobayo Dhismaha Galmudug Loo Dhanyahay.