Kismaayo: Xidig iyo Seeraar Oo Sameynaya Hub Uruursi Iyo Qorista Ciidamo U Gaar Ah.

0
207

Wararka aynu ka heleyno Magaaladda Dhuuso-Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa Sheegaya in Xaaladda Magaaladda Kismaayo ay tahay Mid Cabsi ah.

Wararka aynu heleyno waxaa ay sheegayaan in Magaaladda ay Hub uruuri iyo Qorista Ciidamo gaar ah ay ka wadaan Cabdirashiid xidig iyo Cabdi Naasir Seeraar.

Labadan Mas’uul ayaa dhawaan waxaa ay sheegteen in Mid walba isagu uu yahay Madaxweynaha Sharciga ah ee Jubbaland.

Dhawaan Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo Warfidiyeenka Kula Hadlay Magaaladda Kismaayo waxaa uu sheegay in uusan u dulqaadan doonin in Magaaladdu ay kusii sugnaato Cid Sheeganeysa Madaxweynenimo Taasi oo Keentay in Xidig iyo Seeraar ay Kacaroodaan.

Wariye- Cabdicasiis Madax oo Ah wariye Madax banaan oo ku sugan Kismaayo ayaa Gargaar.net u sheegay in Cabdirashiid Xidig iyo C/Nasir Seeraar ay dhawaan kulan ay yeesheen kaga hadleen sidii Midkastaa uu usameysan lahaa Ciidamo ugaar ah oo difaaca.

Waxaa kaloo labadoodu isla garteen in Hadii midkood ay soo weeraraan Ciidamadda Axmed Madoobe in midka kale uu usoo gurmado sida wararku aynu ku heleyno.

Xilligan waxaa soconaya Diiwaanka Ciidamo labadoodu Daacad ukala ah iyadda oo Xaaladdu ay tahay mid Kacsan.

Dadka reer kismaayo ayaa ka baqdin qaba dagaalo siyaasadeysan oo Dushooda ka dhaca maadaama aysan jirin Dadaalo lagu dhex dhexaadinayo raggan madaxweynenimada Sheeganaya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in aysan aqoonsaneen Midna Doorashooyinkii ka dhacay Kismaayo oo ay yihiin kuwo Baalmarsan Dastuurka Dalka.