Ammanka Dhuso-Mareeb Oo La Adkeeyey iyo Farmaajo Oo Tagaya.

0
209
Farmaajo/Gargaar.net
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Ammaanka guud ee Magaaladda Dhuuso-Mareeb ee Gobolka Galgaduud ayaa la soo warinayaa in Caawa aad loo adķeeyey iyadda oo Magaaladda lagu arkayo Ciidamo aad u fara badan oo Sugaya Amniga.

Maanta Magaaladda waxaa gaaray diyaarad sida Ciidamo aad ufara badan oo kamida kuwa suga Madaxtooyadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu Berito Gaaro magaaladda oo uu soo xiro Shirka Magaaladaas uga socda Beelaha Daga Galmudug ee lagu baadi goobayo Galmudug mid ah.

Dadka Deegaanka ayaa Caawa soo sheegaya in Magaaladda Lagu arkayo Ciidamo Fara badan oo Roondeenaya iyagga oo si aad ah loosoo tubay Wadooyinga Magaaladda iyo Garoonka Diyaaradaha Dhuuso-Mareeb.

Wixii kusoo kordhaa kala soco Gargaar.net