Qarax Ay Ku Geeriyoodeen Mas’uuliyiin Sare Oo Ka Tirsan Hirshabelle Oo Ka Dhacay G/Sh/Dhexe

0
217

Qarax xoogan oo nuuca Miinada dhulka lagu aaso ah ayaa Maanta Kadhacay wadada Xeriirisa Magaalooyinka Balcad Iyo Jowhar gaar ahaan Meel udhaw Deegaanka Qalimoow oo katirsan Gobolka Shabellaha Dhexe.

Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Hirshabelle ee ka arimiya Goboladda Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe ayaa ku geeriyootay.

Dadka Geeriyooday ee Laxaqiijiyey waxaa kamida Gudoomiye Ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabellaha Dhexe Cabdullaahi Shitaawe iyo wasiirkii Hore ee Ganacsiga Hirshabelle Sabriye Cismaan iyo Qofkale oo la socday oo la sheegay in uu kamid ahaa Ganacsatada ugu waaweyn Gobolka.

Afhayeenka Maamulka Hirshabelle Daa’uud Xaaji Ciro ayaa Gargaar.net u sheegay in La Toogtay Dadkii ka dambeeyey Qaraxa.

“Qaraxa waxaa uu ahaa miinada romuudka laga hago, Ciidamada ilaalada ahaa ee mas’uuliyiintan la socotay ayaana Toogtay dadkii ka dambeeyey ama hagaye” ayuu yiri Ciro.

Weli majiro cid sheegatay mas’uuliyadda Weerarkan Balse Al-Shabaab ayaa Fulisa weerarada nuucan oo kale ah.

Alshabaab ayaa hore qarax ka dhacay Gobolka Shabellaha Dhexe gaar ahaan Degmeda Balcad waxaa ay ugu dishay Mas’uuliyiin katirsan Maamulka hirshabelle iyo Saraakiil Ciidan.