Al-Shabaab Oo Gowracday Mas’uuliyiin Katirsan Maamulka Degmeda Beled-Xaawo.

0
205

Dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ayaa lagu soo waramayaa in ay Gowraceen Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Degmeda Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo.

Mas’uuliyiinta La Gowracay ayaa waxaa ay ahaayeen 3-Ruux oo midkamida ay aheed Haweeney.

ilo Dadka Deegaanka ah ayaa Gargaar.net u sheegay in Mas’uuliyiintan Xalay lagala Baxay Xaafadaha ay ka degenaayeen Beled Xaawo iyadda oo Saakayna La arkaye Meydadooda oo ka muuqatay in la gowracay oo la dhigay meelo kala duwan.

Al-Shabaab oo sheegatay Mas’uuliyadda Weerarkan waxaa ay dadka ladilay ay magacyadooda ku kala sheegtay  Xuseen Shariif oo ay ku sheegeen Gudoomiye Xaafadeed in uu ahaa iyo c/ Keynaan oo ay ku sheegeen Madaxii Maaliyadda Degmeda Beled Xaawo iyo Qof Dumar ah oo aysan Sheegin Magaceeda iyo Xilka ay heysay.

Hore sidan oo kale Al-Shabaab ayaa Guryahooda kala baxay Oo Dilay Mas’uuliyiin katirsan Beled Xaawo iyo Odayaal Dhaqan.