Puntiland Oo U Diyaar-Garoobeysa Shirka Maalgashiga iyo Ammaanka oo Aad Loo Sugay.

0
202

Magaaladda Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal oo sidookale Xarun u ah Maamul-Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntiland waxaa ka soconaya qaban-qaabadii ugu dambeysay ee shirka Maalgashiga Puntiland.

Shirkan oo socon doono Mudo Sedex Cisho ah waxaa ka qeybgalaya Gamacsato Soomaaliyeed oo ka kala imaan doono Goboladda Dalka kuwaasi oo lagu casuumay Shirka iyo Mas’uuluyiin kasocda Dalalka Saaxiibada dhaw la ah Soomaaliya.

Maalinta Axada ah ee ina Soo aadan ayuu Furmi doonaa Shirkan waxaana Marka ugu horeysa Microphone-ka Qaadan doona oo Furayo Madaxweynaha Maamulka Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni.

Arimaha Lafilayo in Shirka Lagu Faaqido.

Inta uu socdo Shirka waxaa lagu soo bandhigi doonaa Fursadaha Maalgashi iyadda oo Puntiland ay Bayaanin Doonto Qorshayaalkeeda ku aadan sida ay u sugeyso Hantida Gaarka loo leeyayahay iyo sidookale Hantida Maalgashadeyaasha Doonaya in Puntiland ay Maalgashi ku sameystaan.

Ammaanka Guud ee Magaaladda Garoowe ayaa aad loo adkeeyey iyadda oo loo diyaariyey Ciidamo Gaar ah oo sugo Amniga mudada Shirka uu socdo.

Waxaa Haatan Magaaladda Garoowe kusii qulqulaya Wufuuda kala duwan ee shirkan ka qeyb galeysa.

Madaxweynaha Puntiland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa Khamiistii Shalay Shaaciyey in Mas’uuliyiinta Puntiland looga Baahan yahay in ay Xilweyn iska Saaraan Sidii Shirkan uu unoqon lahaa Mid miradhala xilli uu ka hor hadlaye Golihiisa Wasiiradda.

Shirkan ayaa ah mid sidhaw ay isha ugu wada hayaan shacabka Reer puntiland oo ay ka gilayaan in ay kasoo baxaan Go’aamo mira dhal ah.

Gargaar.net waxaa ay idiin Balanqaadeysaa in si dhaw ay ula socoto Shirka, sida ugu dhaqsiyaha Badanna idiin kuugu soo Baahiso Hadba wixii kusoo kordhaa.