Uhuru Kenyatta “Ciidamadeenu Kalama Baxeyno Soomaaliya Xitaa Hadii Maxmada Nooga Guuleysato”.

0
267

Dowladda Kenya ayaa Shaacisay in Ciidamadeeda oo qeyb ka ah Howlgalka midowga Africa ee AMISOM aysan kala.bixi doonin Soomaaliya ilaa Nabad kusoo dabaalaan Soomaaliya Oo Dhan.

Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo wareysi Gaara siinaye mid kamida Warbaahinada Kenya ayaa Sheegay in Ciidamada Wadankiisa aysan ka Bixi doonin Soomaaliya Xittaa hadii lagaga Guuleysto Muranka Dhinaca Badda.

Ciidamo fara badan oo katirsan kuwa Dowladda Kenya ayaa Ku Sugan Soomaaliya kuwaasi oo Qeyb ka ah Howlgalka Nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM.

Waxaa uu sheegay in kaliya Ciidamada Kenya ay Soomaaliya ay Ciidamadooda kala bixi doonaan oo kaliya Marka ay ka run sheegaan Yoolkooda ah in Nabad kusoo dabaalaan.

Xeriirka Dowladdaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa Mudooyinkii dambe Ahaa mid sii xumaanaye taasi oo salka ku heyso Muranka Dhinaca Badda ee ka dhexeysa Labada Wadan.

Kenya waxaa ay dooneysaa in Murankaa lagu xaliyo wada hadal halka Soomaaliya oo markii horeba Dacwada ugudbisay Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ ay ku adkeysaneyso in lagu kala baxo Go’aanka Maxkamadda.

Tan iyo Markii Ciidamadda Kenya ay usoo talaabeen Soomaaliya Al-Shabaab ayaa Gudaha Kenya ka fulisay weeraro Dhiig fara badan ay ku daateen kuwaasi oo ay sheegeen in ay Aargudasho u tahay Soogalitaanka Ciidamadda Kenya ee Soomaaliya.