Warar soo baxaye ayaa sheegaya in xilligan ay socdaan Mudo kororsi ladoonayo in lagu sameeyo Mudo Xileedkii Hey’adaha Dowladda.
Mudo kororsigan ayaa la sheegay in ay kawada shaqeynayaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Gudoonka Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Maxamed Nuur Oo Kamida Mudaneyaasha Baarlamaanka Soomaaliya oo Lahadlay Midkamida Idaacadaha Magaaladda Muqdisho ayaa Sheegay in Arintan ay socoto Taasi oo aan la ogeyn sida ay suuragal ku noqon karto.
Waxaa uu sheegay in arintan ay tahay khatar aysan ku baraarugsaneen mudaneyaasha Baarlamaanka oo dalku kusoo foodleh.
“Waxaa loo sababeyn karaa sida ay ila tahay Ammaanka oo aan sugnen oo aan isleeyahay waxaa ay dhihi doonaan Suuragal maaha marka la eego dhinaca Ammaanka in doorasho laqabto taasi oo ah mid aan sax aheyn” ayuu yiri Xildhibaanku.

Waxaa kaloo uu sheegay in Xildhibaanada qaar ay aad udaneynayaan arintan balse waxaa uu sheegay in ay tahay mid aysan waxbo ka faa’iideen in lakala eeyo maahee.
“Xildhibaano badan ayaa Doonaya oo arintan u hanqal taagaya iyagga oo aan ku baraarugsaneen waxa xigi doona, Hadii arintan ay suuragasho waxaa xigi doona oo waxaa dhicidoona in Xildhibaanada isleh mudada ayaa idiin kordheysa in iyaguna lakala diro oo layiraahdo Dalku waxaa uu kujiraa Xaalad dagaal” ayuu hadalkiisa raaciyey.

“Waxaa la oran doonaa Dalku waxaa uu kujiraa Dagaal mushaarkiinana Ciidamada ayaa lasiinayaa ee iska taga” ayuu yiri
Amniga Siduu ahaa Xilligii Doorashooyinkii Hore.
Dadka Darsa Siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in aysan Suuragal aheyn Mudo Kororsi lagu sameeyo xilliga Dowladda.
“Waxaa xusid mudan in Ammaanka Soonaaliya uu sidan iyo si ka daran uu ahaa Xilligii Doorashadii Dowladii Sheakh Shariif Sheakh Axmed oo Xitaa Calanka Ugus uu ka taagnaa Marka laga dagto Dalcada Sayidka iyo Meelo Badan oo kamida Gobolo iyo Degmooyinka Soomaaliya oo idil” ayuu yiri Xildhibaan M/Nuur.

Hore Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u shaaciyey in Mudo kororsi ay ka dhalankarto Kalsooni Daro islamarkaana waxaa uu sheegay in aysan dhici doonin in dowladiisu ay ku darsato xitaa Hal Maalin oo Qura’.
Hadalkaa iyo arinta Haatan soo shaacbaxeysa ayaana la ogeyn sida ay isku waafaqi karaan.