Duqa Muqdisho Oo Gudi Usaaray Furitaanka Wadooyinka Xiran Ee Caasimada.

0
418
Dhaxgaan Waa Weyn ayaa lagu Xiray Wadooyinka Halboolaha U Ah Muqdisho

Gudoomiyaha Gobolka Bemaadir ahna Duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa Gudi usaaray Furitaanka Wadooyinka Xiran ee Muqdisho.

Guddigaan la magacaabay waxaa guddoomiye u ah guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Mohamed Tuulah ayaa waxaa uu ka kooban yahay 7 Xubnood oo ay Saraakiil ciidan ay ku jiraan.

Gudigan ayaa waxaa ay ka shaqeyn doonaan Furitaanka wadoiyinka Xiran ee Muqdisho iyadda oo Dadka Rayidka ahna ay dhibaato Ba’an ku qabaan wadooyinkan Xiran.

Tan iyo Markii Duqa Cusub ee Muqdisho uu ku dhawaaqay in gabi ahaanba lafurayo wadooyinka Xiran ayaa waxaa la arkaye Ciidamo katirsan Dowladda oo sii xiraya taasi oo caqabado ba’an ay kuqabaan shacabka Caasimadda.