Dagaal Beeleed Dib Uga Qarxay Deegaanka Balanbale ee G/Galgaduud.

0
440

Wararka aynu ka heleyno Deegaanka Balanbale oo katirsan Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saakay halkaa uu ka dhacay Dagaal qaraar oo la isku adeegsaday Hubka Nuucyadiisa kala duwan.

Dagaalkan ayaa udhexeeya Labo maleeshiyo beeleed oo halkaa wada daga kuwaasi oo dhowr jeer oo hore wada dagaalamay iyadda oo dirirtooduna ay salka ku heyso Aanooyin qabiil oo ka dhalatay Dhul-Daaqsin iyo Ceelal biyoodyo.

Warar uu helay warsidaha Gargaar.net ayaa sheegaya in Dagaalka saakay uu yahay mid ay dad gadaal kariixayaan kuwaasi oo doonaya in ay ku cuuryaamiyaan Shirka Dib-U-Heshiisiinta ee Kasocda Magaalada Dhuuso-Mareeb.

Waxgaradka Gobolka Galgaduud ayaa Dagaalkan ku tilmaamay mid ayaan Daro ah oo lagu soo beegay xilli uu socdo Shirweyne Dib-U-Heshiisiineed.

Balse ilaa iminka majirto dadaalo lagu dhex dhexaadinayo Labada maleeshiyo oo Ka socda Deegaanka.

Ilaa iminka lama xaqiijinkaro khasaaraha dhabta ah ee dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dirirta Maanta balse wixii kusoo kordhaa wararkeena dambe ayaan akhristeyaasheena ugu soo daabici doonnaa insha’allh.