Xulka Qaranka Soomaaliya Oo Ka Haray Is-Reeb-reebka Koobka Aduunka.

0
139

Xulka Soomaaliya ayaa ka haray isreebreebka Koobka Adduunka ee wadamada Afrika ka dib markii ay guuldarro 3-1 ka soo gaartay Zimbabwe kulankii lugta labaad ee ka dhacay magaalada Harrare taasoo ka dhigeysa in wadar ahaan ay labada lug ku soo dhamaatay 3-2 oo ay xulka Zimbabwe ku soo baxeen.

Soomaaliya ayaa ka hartay isku aadka Koobka Adduunka iyadoo madaxooda uu sareeyo madaama ay durbaba dhigeen taariikh iyagoo guushii ugu horeysay abid ka gaaray isreebreebka Koobka Adduunka halka ay sidoo kale iska caabiyeen xulka ugu qiimeyn sareeya xulalka ka qeyb qaadanaya is araga hore ee isreebreebka ee wadamada Afrika.

Soomaaliya ayaa iska caabin xoogan muujisay, waxay soo bandhigeen kubad difaacasho adag ah, halka ay sidoo kale shabaqa ku soo taabteen Harare laakiin nasiibka ayaa saacidi waayay.

Iska caabintii ay Soomaaliya waday iyo geesinimadii difaacasho ay soo bandhigeen gaar ahaan goolahye Saciid Aweys Ali ayaa ugu danbeyn la jibyay daqiiqadii 77aad markii Marshall Munetsi uu shabaqa u soo taabtay xulka Zimbabwe.