Wasaarada A/Dibeda Soomaaliya Oo Xafiis Ka Furatay Garoowe.

0
269

Wasaaradda Arimaha Dibedda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Ayaa Maanta Xafiis ka furatay Magaaladda Garoowe ee Xarunta Maamulka puntiland.

Xafiiskan waxaa uu u sjaqeyn doonaa qaab Qunsuliyadeed waxaana Dadka Reer Puntiland aad ugu Sahlanaan doonto Qaadashada Baasaboorada iyo Dukumiintiyo ay hore uga soo doonan jireen Magaaladda Muqdisho oo Daahid iyo Waqti badan kadib ay hanan jireen.

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntiland oo Xariga ka jaraye Xafiiskan Cusub ayaa sheegay in Dadka Reer puntiland ay u sahlanaan doonto Hada kadib Qaadashada Dukumiintiyo Waqti iyo Juhdi fara badan uga bixi jiray.

Munaasabadda Xarig jarka waxaa Goob joog ahaa Wasiiro Iyo Xildhibaano katirsan Golayaasha puntiland Taliyaha Ciidanka Boliiska puntiland, Duqa Magaalada Garoowe iyo Mas’uuliyiin kasocotay W/Arimaha dibedda Soomaaliya iyo Waaxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya.

Talaabadan ayaa noqoneysa mid hore looqaaday iyadda oo dadweynaha reer puntiland ay aad u mahdin doonaan.