Wasiir Goodax Bare Oo Gaaray M/Beled-Weyne.

0
267

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Xukuumadda Federaalka ahi ee Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare ayaa Lagu soo waramayaa in uu Maanta Gaaray Magaaladda Beled-Weyne ee Gobolka Hiiraan.

Wasiir Goodax oo ah Xildhibaan Katirsan Baarlamaanka waxaa socdaalkiisa ku wehlinaya Xildhibaano katirsan Golaha shacabka Federaalka.

Garoonka Diyaaradaha Magaaladda Beledweyne waxaa Wafdigan Heer Federaal ah kusoo dhaweeyey Mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Hiiraan iyo Ardey aad u fara badan.

Ujeedka Socdaalka Wasiir Goodax ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii uu u dhagax dhigi lahaa Xarumo Waxbarasho oo Gobolka Laga hirgalinayo iyo Ukuurgalida Xaaladda Gobolka.

Xildhibaankan oo laga soo doortay Gobolka Hiiraan ayaa Inta uu joogo Gobolka Lafilayaa in uu kulamo laqaato Mas’uuliyiinta Iyo Waxgaradka Gobolka Kasoo jeeda.