Ergooyin La Soo Kulmay Al-Shabaab Oo Lagu Xiray G/Sh/Dhexe.

0
270

Wararka aynu ka heleyno Gobolka Shabellaha dhexe waxaa ay sheegayaan in Maanta Lagu Xiray Ergooyin Kamida Kuwii la shiray Al-Shabaab.

Ergooyinkan waa kuwii soo Xulay Xildhibaanadda Baarlamaanka Heer Federaal iyo Heer Gobol kuwaasi oo Al-Shabaab ugu Baaqeyn Towbad keen Islamarkaana tagay Deegaanadooda si Towbadda loogu qabto.

Ciidamo katirsan kuwa DFS ee ku sugan Deegaanka Ceel-Baraf oo ka tirsan Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa Xiray Ergooyin Gaaraya ilaa 50-Ruux oo isugu jira Rag iyo Dumar.

Waa Deegaankii Labaad oo katirsan Deegaanada Hirshabelle oo lagu xiro eegooyinkan Kasoo gurya Noqday Al-Shabaab.

Dhawaan ayey aheed markii Magaaladda Beledweyne ee Gobolka Hiiraan Lagu xiray qaarkamida Ergooyinkaas.

Saraakiisha Gobolka Shabellaha Dhexe iyo Maamulka hirshabelle weli kama aysan hadlin Xariga odayaasha Maanta lagu xuray Afarta Tuulo balse wixii warar ah ee kusoo kordhaa Wararkeena Dambe ayaan idinkuugu soo daabici doonnaa insha’allah.