Dab Khasaaro Geestay Oo Ka Kacay Kaam Kuyaala Garoowe.

0
235

Dab xoogan oo geystay Khasaare Naf iyo Maalbo leh ayaa la soo sheegayaa in uu kakacay Kaam ay ku noolaayeen Barakacayaal iyo Qaxooti oo kuyaala Duuleedka Magaaladda Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Midkamida Dadka Barakacayaasha ah oo aan khadka Telefoonka kula hadalnay waxaa uu Gargaar.net u sheegay in Dabka oo ahaa mid xoogan uu geestay Khasaare nafeed iyo Mid Hantiyadeed.

Inta laxaqiijiyey ilaa Hal Ruux oo ah ilmo yar oo 3-4 Sano jir ah ayaa la sheegay in uu geeriyooday iyadda oo Dabku uu gilaaftay dhismaha Guryo ka sameysan Cooshado oo ay daganaayeen Dad Danyar ah iyo Goobo Dukaamo ah oo ay lahaayeen Dadkaas.

Kaamka Dambu kakacay waxaa layiraahdaa Kaamka Yamaniyiinta Waxaana wada Degen Muwaadiniin Soomaaliyeed oo Danyar ah iyo Dad kasoo Cararay Colaada Dalka Yemen oo Dalkaa u dhashay waxaana uu kuyaalaa Duuleedka Magaaladda Garoowe ee Xarunta u ah Maamulka Puntiland.

Gaadiidka Debdemiska Dowladda Hoose ee Garoowe ayaa Siweyn uga Qeybqaatay Daminta Debkan Xoogan oo Saacado Qaatay Damintiisa sida uu gargaar net u sheegay Qofka Goobjoogaha ah ee Lahadlay.

Dadkaa Danyarta ah waxaa ay ubaahan yihiin Kaalmo bini’aadannimo oo deg deg ah in lala soo gaaro xilligan oo ah xilli adag oo ay wajahayaan oo waxaa ka gubtay Guriyihii Cooshadaha ka sameysnaa oo ay kaga ganbanayeen Kulka Qoraxda Maalintii iyo Dhaxanta iyo Qabowga Habeenkii ah.

 

Publishid: Xarunta Wararka Gargaar.net ee Garoowe.

GARGAAR.NET  “U Hiiliyaha Umadda Soomaaliyeed