Puntiland Oo Fahfaahisay Shirka Maalgashiga Garoowe Kadib Kulan Xasaasi Ah Oo Maanta Dhacay.

0
217

Maamulka Puntiland ee Soomaaliya ayaa Faahfaahiyey Shirka Maalgashiga Ee dhawaan lagu wado in uu ka Furmo Magaaladda Garoowe ee Xarunta u ah Maamulkaasi.

Shirkan oo ay ka qeybqaadanayaan Wufuud Maalgashadeyaal Caalami ah iyo Ganacsato Soomaaliyeed ayaa lagu wadaa in 15-ka ilaa 17-ka Bishan uu Furmo iyadda oo looga xaajoon doono sidii Arimaha Ganacsiga, Waxbarashada, iyo Caafimaadka iyo Arimo kale oo Maalgashi ubaahan.

Sabtida Maanta ah waxaa Magaalada Garoowe ka furmay Shir ay yeesheen Madaxweyne Xigeenka Puntiland Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo Gudiga qabanqaabada Shirka, iyo Gudiga Amniga.

Axmed Karaash Madaxweyne Ku Xigeenka Puntiland

Kulankan Waxaa Goob joog ahaa Guddiga Qaban-qaabada Shirka Maalgashiga iyo Guddiga Aminga Puntland sidaTaliyaha Ciidanka Booliska Puntland Gen. Muxiyadiin Axmed Muuse iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda PISA Cabdiqafaar Yaasiin Faarax.

Marka kulankan soo idlaaday waxaa Warfidiyeenka Lahadlay Cabdullahi Cabdi Xirsi wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntiland oo sheegay in shirka Xoojinta amniga Mudada Shirka iyo Wixii ka dambeeya.

“15-ka ilaa 17-ka Ayaa lagu Madlan yahay Shirkan, Waxaana Maanta la isla sooqaaday sidii loowada Shaqeyn lahaa Gaar ahaan Gudiga iyo Wasaaradiisu iyo Laamaha ammaanka iyo sidii Shirkan Uu unoqon lahaa Mid Mira-dhal ah iyo Sidii loo soo dhaweyn lahaa Martida Caalamiga iyo kuwa Soomaalida ah ee Shirka Ka qeyb qaadanaya” ayuu yidhi Wasiirku.

Gudiga Qabanqaabadda Shirka Maalgashiga Puntiland ayaa Sheegay in Meel wanaagsan uu marayo Qaban-qaabada Shirkan islamarkaana ay rajeynayaan in uu noqdo mid mira dhal kusoo gaba gabooba.

Ugu dambeyntii Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga Puntiland ayaa Sheegay in La isku afgartay Dhammaan Qodobadii la isku soo qaaday shirkii Maanta oo uu shir gudoominaye Madaxweyne Ku Xigeenka Puntiland Ahna Kusimaha Madaxweyna Axmed Cilmi Cismaan “Axmed-Karaash”.