DFS Oo Ka hadashay Mowqifkeeda Dib-U-Dhiga Gal-Dacwadeedka Badda iyo Codsiga Kenya.

0
228

Danjiraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Uqaabilsan Midowga Yurub Cali Saciid Fiqi ayaa ka hadlay Mowqifka Dowladda Federaalka ee ku aadan Codsigii Kenya ay ku dalbatay in Dib loogu dhigo Gal-Dacwadeedka Muranka Dhinaca Badda.

Muranka Dhinaca Badda Ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa heyso Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee fadhigeedu yahay Heuge.

Danjire Fiqi wuxuu sheegay in ay doonayaan in dacwadaasu ay halkeeda kasii socoto maadama ay 5 sano jiitamayso. “ Mowqifka rasmiga ee dowladda waa in dacwadaas aan dib loo dhigin, in meesha ka sii socotay muddo shan sano ayay soo socotay, waqtigeeda waa la gaaray in maxakamda dhageysato, taas ayaa mowqifkeenu yahay ” ayuu yiri Mr Fiqi.

Dawlada Kenya ayaa iyadu fasaxday dhamaan qareenadii u doodayay kiiskeeda waxayna maxkamada ka dalbadatay in dib loo dhigo, Maxkamada ayaa goaankeeda ugu horeeya ee dalbashada dib u dhigista dacwada soo saari doonta maalinka Jimcaha, Dhanka kale Danjire Fiqi wuxuu sheegay in ay diyaar u yihiin dhankooda, shacabka Soomaaliyeed ayuuna ka codsaday in ay u kalsoonadaan Dawladooda.