DFS Oo Dhigeeda K/Africa Ka Dalbatay Ilaalinta Muwaduninta Soomaliyeed iyo Hantidooda.

0
239

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay war kasoo saartay weerarada ajaaniib naceybka ee waddanka Koonfur Afrika, kuwaasi oo lagu beegsanayo ajaaniibta ay Soomaalida kamid yihiin.

Maalmihii ugu Dambeeyey waxaa sii Xoogeysanaye Boobka, Bililiqoda iyo Dhibaatadda Loogeysanayo Ganacsatada Soomaaliyeed ee Maalgashiga Ku Sameeystay Dalka Koofur-Afrika.

Boobka, Bililiqada iyo Dhibateynta Ajaanibta Soomaali ay kamid tahay ayaa Noqotay Caado.

Halkan Ka Daalaco Warsaxaafadeedka DFS.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay maalmahan ishaa ku haysa rabshadaha ka dhacaya dalka South Africa oo ay ku noolyihiin muwadiniin Soomaaliyeed oo u badan ganacsato kuwaasoo weeraro lagu qaaday sanooyinkii lasoo dhaafay iyo rabshadaha hada dhacayaba ay kasoo gaadheen waxyeelo nafeed iyo mid hantiyeed.

South Africa: Boqolaal Ganacsato Soomaali ah ayaa Naftooda Ku Weysay welina Somaali kama Quusan.

Dowlada Soomaaliya waxay ka xuntahay falalka boobka iyo barakicinta ah ee loo gaysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo ganacsigooda, waxayna ka codsanaysaa dowlada South Africa inay ilaaliso oo ay damaanad qaado badqabka muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda.

Ugu danbayn, dowladda Soomaaliya waxay muwaadiniinteeda deggan dalka South Africa ugu baaqaysaa in ay feejignaan iyo taxadar dheeri ah muujiyaan hadba wixii soo kordhana lawadaagaan safaaradda Soomaaliya dalka South Afrika