Goorma Ayuu Furmayaa Shirka Dib-U-Heshiisiinta Galmudug Ee Dhuuso-Mareeb.?

0
204

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye ayaa Shaaciyey Waqtiga Laqabanayo Shirka Dib-U-Heshiisiinta Galmudug ee Magaaladda Dhuuso-Mareeb.

Shirkan ayaa Hore u baaqday Labo Mar iyadda oo Weli Dowladu ay Ku Adkeysaneyso sidii ay uqaban laheed Shirkan.

Wasiir Sebriye waxaa uu Sheegay in Ergadii Shirkan ka Qeybgali laheyd ay Dhuuso-Mareeb ku Sugan yihiin islamarkaana Shirka uu Furmi doono 4-Ta Bishan oo Ku Beegan Arbacada ina soo Aadan.

Waxaa Xusid Mudan in Ergedii Magaaladda Cadaado ay diideen Ka biyo diideen ka qeybgalka Shirka Balse Dowladda Soomaaliya ayaa Muqdisho Shalay ka qaaday Ergo Shirkaa Ku matasha Ergedii Cadaado.

Dadka Falanqeeya arimaha Siyaasadda Soomaaliya ayaa Arintan u arka Mid sii fogeyneysa Dib-U-Heshiisiinta Xilligan La Baadi goobayo Madaama Ergeda Saxda ahaa ee Cadaado lagu Bedelay Ergo kale.