Gaari Walxaha Qarxa Laga Soo Buuxiyey Oo Ku Qarxay Ex-Koontarol Afgooye.

0
297

Qarax Xoogan Oo Loo adeegsaday Gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyey ayaa Maanta Ka Dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ee Magaaladda Muqdisho.

Gaari nuuca NOAH ah oo ay saarnaayeen Rag Hubeysan ayaa la sheegay in uu isqarxiyey.

Goobta uu qaraxu ka dhacay waxaa ku taala Bar koontarool oo Ciidamada Boliiska Soomaaliya ay ku koontaroolaan Gawaarida isaga kala gooshta Muqdisho iyo Gobolka Shabellaha Hoose.

Goobjooge yaal ayaa Gargaar.net u sheegay in Gaariga is qarxiyey ay ka shakiyeen Ciidamada Boliiska Soomaaliya oo Ku Sugnaa Barta Koontarool islamarkaana Rasaas ay ku Fureen kadib uu Qarxay.

Inta la xaqiijiyey ilaa Afar Qof oo ay kujireen Darawalkii Gaariga Qarxay iyo Qof Hubeysan ayaa Ku Geeriyootay Qaraxa.

Ciidamada Boliiska Soomaaliya Ayaa baadigoob ugu jira Qof Hubeysan oo la sheegay in uu ka degay Gaariga oo Baxsaday.

Sawiro laga soo qaaday Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa muujinaya Sida uu u xoog badnaa Qaraxan oo Jugtiisa Laga Maqlay Qeebo badan oo kamida Degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Isgoyskan Ex-Koontarool Afgooye ayaa ah Isgoys muhiim u ah isku socodka Dadka iyo Gaadiidka Waana wadada kaliya oo ay soo marto khudaarta ugu Badan ee muqdisho Laga isticmaalo oo katimaado G/Sh/Hoose.

Laamaha Ammaanka Dowladdu weli kama aysan hadlin Qaraxan iyo khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Balse waxaa hakad kujira isku socodka Dadka iyo Gaadiidka.