Dowladda Soomaaliya Oo Ka Hadashay Xariga Wasiir Janan.

0
306

Wasiir ku xigeenka wasaaradda Batroolka xukuumadda federaalka Soomaaliya,  Maxamuud Cabduqaadir (Hilaal) ayaa Sheegay in Wasiirka Amniga Jubaland oo loo heysto Dambiyo kala duwan Lagu xiray Garoonka aadan Cade ee Magaaladda Muqdisho.

Cabdirashiid Janan Wasiirkii Amniga Jubbaland ayaa la sheegay in Laga soo xiray Degmeda Dooloow oo Gobolka Gedo Katirsan halkaasi oo Kulamo kula lahaa Ciidamo sida lagu ogaaday Xoggo dhinaca Milatariga oo uu helay Warsidaha Gargaar.net .

Hilaal oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa sheegay in Janan loo heysto dambiyo kala duwan oo uu ka geystay gobolka Gedo ee K/ Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ciidamada Booliska Soomaaliya, gaar ahaan kuwa laanta dambi baarista ay CID ay baadi goobayeen in muddo ah, sida uu hadalka u dhigay.

“Abdirashid Janan Wasiir kii hore ee Amniga DG #Jubaland oo danbiyo kala duwan ka galay Bulshada Reer #Gedo iyo degaanada ladariska ah kuna raad joogeen Booliska Caalamiga ah( Interpol) iyo Laanta danbi baarista.” ayuu yiri wasiir Hilaal.

Marka laga sootago Warkan kooban oo uu Hilaal Soodhigay Baraha Bulshadda Majiro war Rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka oo Xarigan looga Hadlay.

Wasiirka Amniga Jubbaland ayaa Saaxiib dhaw la ahaa Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe oo Doorashadiisa Iyo kuwii ka dhacay Kismaayoba ay Diiday Dowladdu.

Wixii Alhbaaraadkan kusoo kordhaa Waxaan idinkuugu soo gudbin Donnaa oo aad ka daalacan doontaan Wararkeena iyo Barnaamijyadeena Dambe haduu alle raali kanoqdo.