DFS Oo Xabsiga U Taxaabtay Wasiirka Amniga Jubbaland C/Rashiid Janan.

0
235

Wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa Lagu soo waramayaa in ay Xirtay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Janan ayaa Lagu soo waramayaa in Laga soo qabtay Magaaladda Doloow oo katirsan Gobolka Gedo Halkaasi oo la sheegay in uu kulamo kulalahaa Ciidamo halkaa ku sugan.

Warar uu helay Warsidaha Gargaar.net ayaa sheegaya in Qodobada wada hadaladda uu Ciidamadu lalahaa ay kamid ahaayeen in loo kaxeeyo Magaalada Muqdisho Balse la isku fahmi waayey.

Dowladda Soomaaliya ayaana ilaa iminka ka hadlin Sababta Dhabta ah ee xariga Wasiirkan Balse wararka qaar ayaa sheegaya in loo heesto Dilal ka dhacay Gobolka jubadda hoose inkastoo wararkaasi aaan laxaqiijin.

Arintan ayaa ku soo beegmeysa iyadda oo dhawaan Magaaladda Kismaayo ay ka dhaceen Doorashooyin Is khilaafsan iyadda oo ilaa Sedex Madaxweyne ay Sheegteen In ay yihiin Madaxweynaha Dhabta ah ee Maamulkaasi Balse Dowladdu ay sheegtay in aysan Aqoonsaneen Midkoodna.