Maxaa Ka Jira In Ciidamo Ka Tirsan AMISOM La Geynayo Dhuso-Mareeb.?

0
253

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maalmihii ugu Dambeeyeyba Magaaladda Dhuso-Mareeb u daadgureyneysay Ciidamo ka tirsan Boliiska Soomaaliya Kuwaasi oo Ka qeybqaadanayo Sugidda Ammaanka Magaalada.

Dhowr Maalmood oo isxig xiga Waxaa Gaaraye Diyaarado Sida Boqolaal Ciidan ah oo aad u tababaran iyo Saanad Ciidan.

Balse taasi waxaa ay shaki galisay Maamulka Ahlu-Sunah Waljamaaca oo moodayba in Cududooda Ciidan Lasoo afjarayo Madaama Ciidamadoodii Ay hore uwareejiyeen Lana Qarameeyey.

Waxaase warar soo kordhay Ay sheegayaan in Sugidda Ammaanka dhuuso Mareeb lagu kordhinayo Ciidamo katirsan AMISOM.

Shalay waxaa magaaladda Gaaray Taliyaha Ciidamadda Howlgalka AMISOM oo Kulamo laqaatay Madax Katirsan DFS oo halkaa ku sugan.

Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Abukar isloow Ducaale waxaa uu sheegay in AMISOM ay kala hadleen Sidii Ciidamo Katirsan Howlgalkoda loogu Kordhin lahaa Xaqijinta Ammaanka oo loo keeni lahaa.

“Dhowr maalmood ayuu booqasho inoogu yimid kol hore maantana markale ayuu ina soo booqday waxaana isla garanay sidii ciidanka Amisom loo keeni lahaa Dhuso-mareb oo ay amanka nagala shaqeyn lahaayeen”ayuu yiri Wasiir Isloow.

Warbaahinta Gargaar.net ayaa Ogaatay in Ciidamo katirsan kuwa AMISOM ay u jiheysteen Magaaladda Dhuso-Mareeb ee Gobolka Galgaduud kuwaasi oo ka ambabaxay Gobolka Hiiraan.

Ciidamadan ayaa la sheegay in ay isugu jiraan kuwa Ethobiyaan iyo Jabuutiyaan kuwaasi oo qeyb ka ah Howlgalka Nabad ilaalinta AMISOM sida Xogo aan helnay ay muujinayaan.

Lama oga Sida Arintan ay uga Falcelin doonaan Ururka Ahlu-Sunah oo dhawanahanba Walaac Xoogan ka qabay Ciidamadda DFS ee Magaalada Dhuso-Mareeb lagu daad gureynaye Iyadda oo kamid aheyd Heshiskii Hore loola galay Ururkaasi sida uu Ku sheegay Wasiirka arimaha Gudaha qodobo Heshiis uu Warbaahinta Dhawaan u akhriyey.

Wixii kusoo kordhaa Akhbaaraadkaasi kala Soco Gargaar.net