Madaxweyne Ku Xigeenkii C/Rashid Xidig Oo Tanaasulay Lana Shaqeyn Doono Axmed Madoobe.

0
283

Cabdulqaadir Cabdi Shareeye oo kamid ahaa garabka mucaaradka ee uu hogaamiyo Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xidig, gaar ahaana Madaxweyne kuxigeen ugu magacownaa ayaa ku dhawaaqay in uu ka tanaasulay xilkaas.

Mr, Shareeye ayaa sheegay in uu sidan u sameeyey si horey loogu dhaqaajiyo Jubbaland, wuxuuna cadeeyey in talaabo kasta oo geedi socodka ah uu taageersan yahay.

“Magacaygu waa Cabdiqaadir Cabdi Shareeye waxaan ahaa Garabka Mucaaradka Jubbaland gaar ahaan ku xigeenka Cabdirashiid Xidig waxaana u tanaasulay danta Jubbaland waxaana garab taagnahay Madaxweynaha dadka ree Jubbaland ay doorteen Axmed Maxamed Islaam” sidaas waxaa yiri Cabdiqaadir Cabdi Shareeye”

Waxaa uu sheegay madaxweyne ku xigeenku in howshii ay sooqabten ay kaga gonlahaayeen Hore usocodka Jubbaland Balse Xilligan kadib uu la shaqeyn doono Madaxweynaha Ladoortay ee Sharciga ah ee Jubbaland.