Jowhar: Madaxweyne Waare Oo Tababar U Soo Xiray Ciidamo Boliis Ah. (Sawiro)

0
255

Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ay Wehliyaan Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabelle ayaa Tababr usoo xiray Askar katirsan Boliiska Hirshabelle.

Munaasabadda waxaa Goob joog ahaa Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamanka Hirshabelle  Cabdi Xuseen  Geeddi , Wasiirka Amniga Hirshabelle Cabduqaadir Aadan Jeelle, Saraakiil katirsan Booliiska, Amisom ,Hirshabele iyo Masuuliyinta kale.

Maxamed Cabdi waare ayaa Boqolaal Askari oo kamid noqonaya Boliiska Hirshabelle Tababar u soo xiray kulana Dardaarmay in ay ka qeybqaataan Sugidda Ammaanka Jowhar iyo Guud ahaan Gobolka.

“Waxaan idinkula Dardaarmayaa in aad Idinka oo ka faa’ideysanaya Tabarkiina aad ka qeybqaadataan Sugidda Ammaanka Jowhar iyo Guud ahaan Deegaanada Hirshabelle” ayuu yiri Waare.