Jubbaland Oo Xayiraada Ka Qaaday Hey’adaha Dowladda Kadib Shir Maanta Dhacay.

0
274

Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay inay dib usoo celiyeen wadashaqenytii kala dhexeeysay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya, sida lagu baahiyay bogga Facebook ee telefishinka Jubbaland.

Golaha wasiirada ee Jubbaland oo ku shiray Kismaayo, ayaa sheegay in ay xayiraadda ka qaadeen hay’adaha dowladda Federaalka.

Waxaa kullankooda shir shr gudoomiyay Axmed Maxamed Islaam (Axmed Modoobe), oo ah madaxweynaha Jubbaland.

maamulka ayaa xiyaraad saaray xukuumadda Federaalka ka dib markii uu khilaaf ku saabsanaan hannankii doorashada uu labada dhinac soo kala dhexgalay.

Jubbaland waxaa dhawaan ka dhacay doorasho uu muran badan ka dhashay oo lagu kala doortay madaxweynayaal.

Dowladda Soomaaliya waxay waxbo kama jiraan ku tilmaantay doorashadii ka dhacday Jubbaland oo dib loogu soo doortay Axmed Maxamed Islaam.

Halka musharraxiinta mucaaradka ay ku dhawaaqeen Cabdirashiid Maxmed Xidig iyo Cabdinaasir Seeraar.