Xiisad Dagaal Oo Ka Taagan G/Sanaag iyo Cabsida Dadka Ee Dagaal Oo Xogeysatay.

0
217

Wararka aynu ka heleyno Gobolka Sanaag waxaa ay sheegayaan in Saakay Xiisad Dagaal ay ka taagan tahay Deegaanka Badhan Oo Dhaca Gobolkaasi.

Wariyaheena Goboladda Sool iyo Sanaag Mustafe Wezgoow ayaa Soo sheegaya in Dadka Deegaanka ay soo wajahday Cabsi Xoogan iyagga oo ka baqdin qaba Dagaalo qaraar oo Ka dhaca deegaanka.

Maamuladda Puntiland iyo Soomaaliland ayaa Ciidamo Kala taabacsan waxaa ay ku sugan yihiin Deegaanka Baran iyo Duuleedkeeda kuwaasi oo Sameynaya hub urursi dadkuna waxaa ay ka baqanayaan in markale dushoodu Dagaal uu kadhaco.

Dhawaan Wasiiro katirsan Puntiland ayaa Soobandhigay Muuqaalka Taluyihii Ciidamadda Somaliland uqaabilsanaa Badhan iyo Maamulkii Degmeda oo isku soo dhiibay Puntiland taasi oo aad uga Careysiisay Somaliland.

Ciidamo katirsan Somaliland Oo Soo Buuxdhaafiyey Duuleedka M/Badhan.

Wariyaha Gargaar.net ee Sool iyo Sanaag ayaa Soo warinaya in Ciidamo Fara badan oo katirsan Somaliland lasoo Tubay Duuleedka Degmedaas iyagga oo Doonaya in Magaaladu ay dib gacantooda usoo Gasho.

Labada Maamul ayaa Dhowr jeer oo hore ay dhexmareen Dagaalo Faraha looga Gubtay iyagga oo aysan jirin Cid uturta Shacabka lagu kor dirirayo marka laga soo tago in Maamulkastaa uu Fiirinayo oo qura Dhul-Balaarsi iyo Danahiisa Gaarka ah.

Dadka Gobolka Sool Waxaa ay Ubaahan yihiin Labada Maamul ee Deriska ah Oo Nabad ku wada noolaada

Dhawaanahan Waxaa la hadal haye wada hadalo Madaxda labada Maamul ay kaga Xaajoodaan Arimaha Dhexdooda ah taasi oo ka dhalatay Markii Madaxweyne Saciid Deniga Puntiland uu sheegay in Somaliland uu kala hadlayo Deegaanada ay ku muran san yihiin.

Somaliland dhankeeda waxaa ay sheegtay in ay diyaar tahay balse wada hadaladaa waxaa aad moodaa in ay meesha kasii baxayaan kadib Markii Magaaladda Badhan ay soo gashay Gacanta Puntiland.