Diyaarado Sida Hub iyo Agab Milatari Oo Gaaray Dhuuso-Mareeb.

0
245

Magaaladda Dhuuso-Mareeb ee Gobolka Galgaduud waxaa Saakay Gaaray Diyaaraddo siday Hub iyo Saanad Milatari kuwaasi oo kamid Noqonaya Ciidamadi Sugaya Ammaanka Magaaladda Oo Martigalineysa Shirar Dib-U-Heshisiineed iyo Doorashooyinka Deegaanka.

Ilaa 5-diyaaradood Oo siday Cutubyo Ciidamo ah iyo Agab Milatari ayaa Gaaray Magaaladda.

Dhawaan Ciidamo Diyaarado Lagu daabulay oo Gaaray ayaa Lawareegay Ammaanka Guud ee Garoonka Diyaaradaha, Xarumaha lagu qabanayo Shirarka Dib-U-Heshiisiineed iyo Xarunta Loo asteeyey Doorashadda Hogaanka iyo Mida Baarlamaaniga Galmudug.

Maalmaha Soosocda waxaa Dhuuso-Mareeb Lafilayaa in uu ka furmo Shirka Dib-U-Heshiisiinta Galmudug oo Ay garwadenka ka tahay DFS laguna Doonayo Galmudug Mid ah.

Talaabadan Dowladdu ay Ciidamo ugu Daabuleyso Magaalada Dhuuso-Mareeb waxaa barbar socda Cambaareyn.

Ilaa Afar Xisbi Siyaasadeed oo Kadhisan Soomaaliya waxaa ay Sheegeen in Arintan ay tahay Mid Dowladdu ay ku doneyso in ay ku Carqaladeyso Dhismaha Maamulkaas.

Waxaana ay DFS ugu Baaqeen in Dadka Galmudug ay u madaxbananeyso Dhismaha Maamulkaasi oo Hore loogu dhisay Muruq, Maal iyo Waqti Fara badan.