Ilhan Cumar Oo Ka Dhiidhisay Ciidamada Kenya Oo Gubay Xarunta Shirkada Isgaarsiinta Hormuud.

0
287

Ilhaan Cumar oo Kamida Xildhibaanada Aqalka Congreska Mareekanka ayaa Si kulul uga Dhiidhisay Talaabadda Ciidamada Kenya ay ku Gubeen Xarun Shirkadda isgaarsiinta Hormuud Telecom ay Laheed.

Mss ilhaan Cumar oo Qoraal Ku Qornaa Luqadda Englishka ku Xardhan soo dhigtay Bogeeda Twiterka ayaa Sheegtay in wax Aan Loo dulqaadan karin Dhibta Kenya ay ku heyso Kaabayaasha dhaqaalaha Soomaaliya.

Ciidamadda Kenya ayaa Dhowr jeer oo hore Beegsaday Xarumo Shirkadda Hormuud ay ku leedahay Gobolka gedo gaar ahaan Deegaano aan sidaa uga Fogeyn Xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Balse majirto marka laga sootago Cambareyn iyo Wankaxunnahay wax Talaabo ah oo ay DFS uqaaday Sidii ay arintan wax uga Qaban laheed.

Xildhibaanad ilhaan ayaa Dib u gocotay Waayaheedii Sanadii 2011 Mar ay timid Soomaaliya oo ay sheegtay in ay aad ula yaabtay Sida Ay uga Hanaqaadeen Tichnologyadda.

Waxaa ay Xustay in Xeriirka Soomaaliya iyo Kenya aysan Wax Shaqo ah Kulaheyn Kaabayaasha Dhaqaalaha DFS looga Baahan yahay in ay Latimaado Jawaab Wax ku Ooga oo ay u qaado sidii ay ula imaanlaheed Jawaab Aargudasho ah.