Gen: Bashiir Goobe Oo Loo Magacaabay Mareyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

0
231

Xasan Cali Kheyre Ra’isul-Wasaaraha XFS ayaa Maanta Taliyihii Hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Jaamac Bashiir Goobe u Magacaabay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Dhismaha Soomaaliyeed.

Bashiir Goobe ayaa 22 Bishan laga Qaaday Xilka Taliyaha Ciidanka Asluubta iyadda oo Mudo Sedex Cisho kadibna uu Wajahayo Xil Cusub.

Wareegto Kasoo Baxday Xafiiska Ra’isul-Wasaaraha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in iyadda Oo la tixgalinayo Baahida looqabo Dib u Howlgalinta Wakaaladan Loomagacaabay Bashiir Goobe oo Xafiis Unoqondoonto Xarunta Bisha Cas Ex-TIKA ee Degmeda Wadajir Ee Gobolkan Banaadir.