Dab-Damiye Guri Holcaya Uga Tagay Sidii Uu Goob-Joog Uga Noqdo Dhalashada Curaddiisa.

0
247

Nin ka tirsan shaqaalaha dab damiska oo gacanta ku haya “tuubadii biyaha” ayaa shaqada laga fasaxay ka dib markii isbitaal loola cararay xaaskiisa oo ay qabatay fool wakhtigeedii ka soo hor martay.

Toshwa Dennis oo 38 jir ah ayaa ku sugnaa guri gubanaya oo ku yaalla Birmingham marka uu soo dhacay taleefan lagu wargalinayo xaaladda qoyskiisa ka soo koradhay, arrintaasina waxay dhacay Sabtidii.

Markaan maqlay hadalkaas “sidii wax barafoobay ayaan noqday” ayuu yiri, balse waxaa u suuragashay in uu ka gaaro isbitaalka oo uu goobjoog ka noqdo dhalashada curaddiisa.

Gabadha ayaa ku dhalatay 3km, iyada iyo hooyadeed Stacy oo 38 jir ahna xaaladdoodu way wanaagsan tahay, ayuu yiri.

Dabka guriga ka kacay “ayaa si fiican isu qabsaday” marka uu dhulka dhigay tuubadii biyaha ee uu ku daminayay, waxaa markaas u yeeray mid ka mid ah saaxiibbadiisa shaqada.

“Dhankiisa ayaan u orday” waxaana moodayay in uu iigu yeeray arrin shaqada la xiriirta, wuxuuse igu yiri xarrunta shaqada ayuu taleefan ka soo dhacay, xaaskaaga fool ayaa qabatay dhanka isbitaalka ayayna ku sii jeeddaa.
“Ma garanaynin waxaan sameeyo, sababtoo ah markaad shaqo joogto niyaddaadu meel ayay ku wajahan tahay.” Ayuu yiri.

Dab damiyahan ayaa sheegay in uu ku laabtay xaruntii shaqada ka dibna uu gaari u kaxaystay dhanka isbitaalka Queen Elizabeth Hospital ee magaalada Birmingham.

Gabadha yar oo loo bixiyay Savannah ayaa la filayay in ay dhalato 4 Sabteembar.
Toshwa oo ka soo jeedda magaalada Sutton Coldfield ayaa “u mahadceliyay” isla markaasna bogaadiyay dadaalka ay u sameeyeen shaqaalaha dabdamiska.

Wuxuu sheegay in hal toddobaad ka hor ay ahayd markii mid ka mid ah shaqaalaha uu kula taliyay in xaaskiisa uu u qoro lambarka xarunta laga hago shaqaalaha dabdamiska.

“Haddii uusan sidaas idhihi lahayn, iima suuragasheen in aan ka gaaro”. Ayuu yiri.