(Akhriso): Afar Xisbi Oo War Kulul Kasoo Saaray Xaalada Galmudug.

0
234

Xisbiyadda Siyaasadeed Ee Soomaaliya Oo kala ah Ileys, Horu-Socod Qaran, Nabadda iyo Wadajir ayaa War Qoraala oo ay wadajir usoo saareen waxaa ay kaga hadleen Xaaladda Galmudug.

Waxaa ay sheegeen in Dhismaha Maamulka Galmudug ay Dadaal Badan, Waqti iyo Juhdi fara badan Lagu bixiyey Dhimihiisa islamarkaana ay Muuqato in DFS ay ka shaqeysay Burburinta iyo kala qoqobka Galmudug.

DFS ayey kaga digeen kala Qoqobka Maamulka Galmudug iyagga sheegay in Dowladdu ay caga jugleyn Joogta ah ku heyso Mas’uuliyiinta Galmudug iyadda oo ugu hanjabtay Xabsi iyo Xurmo kaqaadis.

Afar-Taan Xisbi ayaa Dowladda ku Sheegay in Ay Galmudug u Horseedeyso Khataro Amni Daro Madaama Ciidamo Fara badan ay u Daabuleyso Dhuuso-Mareeb.

War-Saxaafadeedka Wadajirka ah ayaa lagula Taliyey DFS inay u madax baneyso dad gobolada dhexe dhisamaha maamulkooda.