Xoghayihii Hore Ee Gobalka Banaadir Oo Ku Geeriyooday Qarax Ka Dhacay Muqdisho.

0
258

Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan Qarax Xoogan Oo Maanta Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho gaar ahaan Meel aan sidaa uga Fogeyn Isgoyska Km-4 ee M/Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Nuuca Gawaarida lagu dhajiyo waxaana uu sigaara uga dhacay Bar-Koontarool oo kutaala Km-4 gaar ahaan wadada Aada Airporta Aadan Cade.

Warar Horudhac ah oo uu helay warsidaha Gargaar.net ayaa Sheegaya in Qaraxa Uu ku Geeriyooday Xoghayihii Hore ee Gobolka Banaadir Maxamed Sheekh Cilmi Maxamuud (Amiin Xiliyadii Gobolku ay Maamulayeen Muungaab & Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Sawiro laga sooqaaday Goobta ayaa Muujinaya sida uu ukoobnaa Khasaaraha ka dhashay Qaraxan ee Naf iyo Maalba Leh.

Gaariga Qarxay
Gaariga Qaraxa Lagu Xiray

Dhinaca kale Qarax Labaad ayaa isna maanta Ka dhacay Magaaladda Muqdisho Gaar ahaan Wadada Taleex.

Laamaha Ammaanka Dowladdu waxaa ay sheegeen in Qaraxu uu ahaa Nuuca Miinada Dhulka Lagu Aaso oo lala eegtay Gawaari ay la socdeen Ciidamadda DFS.

Saraakiil Katirsan Laamaha Ammaanka Dowladda oo Lahadlay Gargaar.net waxaa ay sheegeen in Qaraxan lala Eegtay gawaari ay la socdeen Ciidamo katirsan Milatariga Soomaaliya balse waxaa ay ka gaabsadeen Fahfaahin intaa ka badan.

Weli Majirto Cid sheegatay Mas’uuliyadda Qaraxyadan Maanta Gilgilay Magaaladda Caasimada ah ee Muqdisho Balse Al-Shabaab ayaa inta Badan Muqdisho ka Fulisa Qaraxyada iyo Weeraro Kudhufo ee ka Dhaqaaq ah.