Xildhiban Ka Tirsan Somaliland Oo Hampalyo Udiray Axmed Madoobe Dalbadayna In Caleema-Sarkiisa uu ku Casuumo.

0
221

Xildhibaan Naasir Cali Shire oo kamida Golaha Wakiiladda Somaliland ayaa Hampalyo Udiray Madaxweynaha la Doortay ee Jubbaland axmed Maxamed Islaam Madoobe isaga Oo ka Codsaday in uu ku Casuumo Munaasabadda Lagu Caleema Saarayo.

Xildhibaankan oo Wareysi siinaye Midkamida Wargeysyadda Kasoo baxa Hargeysa ayaa Sheegay in Doorashadda Uu kusoo Baxay Axmed Madoobe ay tahay Mid Sharci ah.

Anigoo ah Xildhibaan Naasir Cali Shire oo ka tirsan Golaha Wakiilada Jamhuuriyada Somaliland, waxaan hambalyeynayaa, oo aan leeyahay hambalyo guusha uu ku soo baxay Madaxweynihii Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), guushaas uu Axmed Madoobe gaadhay waxay nabar iyo naxdin ku tahay, hawsha kaligii talisnimada ah ee qolada Muqdisho ka talisa ee ay doonayaan inay ku baabiyaan wadanka aynu jaarka nahay ee Somaliya, caqliyada ka shqaysa, ee hadda ka talisa Magaalada Muqdisho, waxaana u sheegayaa inaysan ku mashquulin ciddii Soomaali ah oo horumar gaarta”, ayuu yiri xildhibaan Naasir.

Waxaa uu sidookale sheegay in Axmed Maxamed Islaam Madoobe uu yahay mid mudan in lagu amaano Waxyaabihii uu uqabtay Jubbaland tan iyo Markii uu majaraha U Qabtay.

Waa Xildhibaankii ugu Horeeye oo katirsan Somaliland oo Hampalyo udira Axmed Madoobe iyadda oo Golayaasha Somaliland aan Hore looga Baran Hampalyeynta Madaxda Maamul-Goboleedyadda Dalka Soonaaliya.