Maxaad Ka Taqaanaa Taariikhda Taliyaha Cusub Ee Boliiska Soomaaliya.

0
280

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Maxamed Xijaar waxa uu ku dhashay gobolka Sool sanadka Markuu ahaa 1953.

Waxbarashadiisa Aas-aasiga ah waxa uu ku dhameestay gobolka Banaadir, isagoo Sanadkii 1975-tii ka mid noqday Arday ka qalin jabisay Jaamacada Ummada Soomaaliyeed.

General Cabdi Xasan Maxamed ayaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ku biiray Sanadkii 1977-kii isagoona tababarkiisii ugu horeeyay ku qaatay dugsiga General Daa’uud.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Sonna, waxa uu jeneraalka tababarka Ciidanka Kumaandooska ku soo qaatay waddamada Mareykanka iyo Jarmalka wuxuuna dugsiga tababarka degaanleey kasoo noqday tababare ciidan.

Bur Burkii dalka ka dib waxa uu Agaasime ka Noqday Hay’Ada Socdaalka iyo jinsiyada dowlada Soomaaliya oo Markii hore loo yaqaanay Hogaanka Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

General Cabdi Xasan Maxamed ayaa waxaa Sanadkii 1989 loo Magacabay Qusulka Soomaaliya u fadhiya dalka Jabuuti.

Sannadkii 2007-dii ilaa 2008-ddii waxaa uu ahaa Abaandullaha Ciidanka Xoogga Dalka, sidoo kale 2008-2019 waxaa uu Dowlada Soomaaliya u qaabilsanaa Arimaha Ciidanka Xoogga Dalka ee Dalka Sacuudiga.

Bishii April ee Sanadkaan ayaa waxaa loo Magacabay Xilka Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, iyadoo 22’ka Bishaan general Cabdi Xasan Maxamed loo Magacabay Xilka Taliyjaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.