(VIDEO): Madaxweyne Deni: “Puntiland Waxaa ay Martigalineysaa Wada-Hadalada Soomaliya iyo Somaliland”.

0
317

Madaxweynaha Maamulka Puntiland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Sheegay In Xukuumadiisu ay Martigalineyso Wada Hadaladda Soomaaliya Iyo Somaliland.

Waxaa uu Sheegay in Puntiland ay ka Go’antahay Diyaarna u Tahay Martigalinta Wada-Hadaladaasi.

Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Waxaa Kaloo uu ka hadlay Arimaha Dastuurka Soomaaliya ee Qabyada ah Mudana ay ku baxday Qabyo tirkiisa Waqti iyo Maal Fara Badan.

Waxaa uu Dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeyey in ay ka Gaabisay Qabyo-Tirka Dastuurka Dalka oo Muhiim u ah Dowladnimadda Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa Guul iyo Mira-Dhal u rajeeyey Kulamadda Dib U heshiisineed ee ka Socda Magaaloyinka Hobyo iyo Dhuso-Mareeb ee lagu baadi goobayo Galmudug Mid ah.

Deni ayaa sidookale mira-Dhal u rajeeyey Kulamada Dib-Uheshisiinta ee Kasocda Kismaayo oo Khilaafyo ay ka dhasheen Doorashada uu kusoo baxay Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Daawo Khudbadda Madaxweyne Deni.