DFS Oo Diiday Dalab Kaga Yimid Midowga Africa Oo Ku Sabsan Badda Ay ku Muransanyihiin Kenya.

0
217

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska Diiday Dalab uga yimid midowga Africa Oo ku saabsanaa muranka Dhinaca Badda Ee udhexeeya Dowladaha Kenya iyo Soomaaliya.

Gudiga Ururka Midowga Africa u qaabilsan arimaha Badaha ayaa Lagu soo waramayaa in DFS ay ka dalbatay in ay soo hordhigto Arinta Muranka Ee Dhinaca badda ee kala dhexeysa Soomaaliya.

Balse Wasiirka Arimaha Dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa U sheegay Xubnaha gudiga in aysan Munaasab aheyn in Dacwada loosoo weeciyo Dhinacan ama ay soo fara galiyaan.

Maxkamadda ICJ ayaa u fariisan doonta wareegga 2aad ee dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya September 9-13 bisha soo socota.

Wasaaradda Arimaha Dibedda Soomaaliya waxaa Kaloo ay Sheegtay in Wax Gor-Gor tan ah Kenya aysan kala gali doonin Arimaha badda.

Kenya waxaa ay Midowga Africa ku Cadaadineysaa sidii ay usoo faragalin laheyd Dacwadda dhinaca badda ee dhageysigeedu uu ka socdo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Hadii Arintan ay ku Guuleysato Soomaaliya waxaa ay kenya Weyn doontaan qeyb weyn oo kamida Badda ay islaheyn siineyso.

Tan iyo Markii uu Soo Bilowday Muranka Dhinaca badda ee Soomaaliya iyo Kenya waxaa sii Xumaanaye Xeriirka Labada Wadan oo Haatan Khilaafkooda Dhinaca Diblomaasiyadda uu Marayo Heerkii ugu sareeye.