DFS Oo Ciidamo Dheeraad ah U Dirtay M/Dhuuso-Mareeb Oo Lagu Qabanayo Shirka Dib-U-Heshiisiinta Galmudug.

0
296

Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta Lageeyey Magaaladda Dhuuso-mareeb ee Gobolka Galgaduud kuwaasi oo ku biiraya Sugidda Ammaanka Magaaladda.

Ciidamadan ayaa ku Biiriya Sugidda Ammaanka Dhuuso-mareeb gaar ahaan Goobta lagu qabanayo Shirka dib-u-Heshiisiinta Galmudug.

Ciidamo ka tirsan booliska dowladda Federaalka  Soomaaliya ayaa saaka ka degay garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb.,si ay uga qeybgalaan  adkeynta ammaanka magaaladaasi  oo martigelinaysa shirka dib uheshiisiinta Galmudug.

Ciidamadan ayaa ka howlgalaya xarunta lagu qabanayo shirka iyo garoonka diyaaradaha,si ay u xoojiyaan ciidamada ammaanka magaaladaasi.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukkuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta dhismaha Galmudug loo dhanyahay,iyadoo gudigii dib uheshiisiinta uu shirar kala duwan uu la qaadanayo dhinacyada ay quseyso Arrinta Galmudug.

Dhinaca kale wararka aynu ka heleyno Magaalada Ayaa kusoo waramaya in khilaaf uu ka dhex jiro Gudiga Qabanqaabada Shirka Dub u heshiisiineed oo labo Garab ukala jabay iyagga oo Noqday Qaar taageersan Go’aankii Ahlu-Sunnah iyo qaar taageersan Gudoomiyaha gudigaas oo ka horyimid Go’aanka ahlu-Sunnah.