DEG DEG:- Qarax Gaari Oo Goordhaw Ka Dhacay Muqdisho.

0
213

Magaaladda Muqdisho waxaa Maanta ka dhacay Qarax Gaari oo aad u xoog badnaa Jugtiisana Laga Maqlay qeebo Badan oo kamida Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Qaraxan ayaa La Sheegay in Lagu Xiray Midkamida Gawaarida Raaxada ah oo uu watay mas’uul katirsanaa Maamulka Gobolka Banaadir Xilligii Muungaab Iyo Sheakh Yusuf Madaale.

Gaarigan ayaa ku qarxay Meel u dhaw Hoteelka afriik layiraahdo oo kuyaala Isgoyska KM-4 Ee Magaaladda Muqdisho.

Dad Goob joogayaal ah ayaa Gargaar.net u sheegay in Qaraxa uu ku Geeriyooday Wadahii Gaariga Qarxay.

Waxaa Soconaya Baaritaano Ciidamadda Ammaanka Dowladdu ay wadaan kuwaasi oo Goobta Soo Buux dhaafiyey Kadib Qarxa.

Wixii Akhbaaraad ah oo wararkaa Kusoo kordhaa kala Soco Gargaar.net¬† “Uhiiliyaha Umadda Soomaaliyeed