Ahlu-Sunah Oo Xukun Ku Fulisay Rag Loo Heystay Kufsi Ka Dhacay Guraceel.

0
287

Ururka Ahlu-Sunah Waljamaaca ee Goboladda Dhexe ee dalka ayaa Xukun Ku fulisay labo nin oo dhalinyaro ah oo loo heystay fal kufsi ah.

Subaxnimadii hore ee Saakay ayaa Dadka Deegaanka lagu wargaliyey in ay kasoo qeybgalaan Oo ay usoo daawasho tagaan Xukunkan oo lagu fulinayo fagaare kuyaala magaaladda Dhuuso-Mareeb ee Gobolka Galgaduud.

Ragan Oo ahaa Labo Dhalinyaro ah oo lagu eedeeyey Kufsi Ka Dhacay Degmeda Guriceel waxaa lagu Jeedalay Magaaladda Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud Xilli Boqolaal Ruux ay Xukunkoodu usoo daawasho tageen.

Mas’uuliyiin katirsan Ururka Ahlu-Sunnah oo Goob joog ahaa goobtana ka hadlay ayaa Sheegay in Raggan ay ku fulinayaan Sharciga islaamka sida Gargaar.net uu usheegay Wariye Cabdul-Jabaar oo Gargaar.net uga soo warama Deegaanadda Galmudug.

Xubno katirsan Boliiska Ahlu-Sunnah Waljamaaca ayaa La arkaye iyagga oo Min Boqol Jeedal Ku Garaacaya Raggan oo Mudo Bilooyin ah u Xirnaa ururkan.