(War-Saxaafadeed): Kenya Sidee U Aragtaa Dib U Doorashadii Axmed Madoobe.?

0
291
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe

Wasaaradda arimaha Dibedda Kenya ayaa Dhampaal Hampalyo ah u soo dirtay Madaxweynaha Ladoortay ee Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe.

Shalay Xildhibaanadda Baarlamaanka  Maamulka Jubbaland ayaa Cod aqlabiyad leh ku doortay Madaxweyne Axmed Madoobe oo Markii sedexaad Hogaamindoono Jubaland.

Qoraalka oa soobaxay Wasaradda Arimaha Dibedda Kenya waxaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in Dowladda Soomaaliya ay La shaqeyso Madaxweynaha La Doortay.

Warar goor sii horeysay Soo baxaye waxaa ay sheegayeen In Kenya ay Taageersan tahay in Markale uu soo baxo Axmed Madoobe sida ay hadal hayeen warbaahinada ugu carabka dheer Dalkaasi.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa Shalay Ku guuleestay Cod Aqlabiyad leh iyadda oo uu kusoo Baxay wareegii Koowaad ee Doorashadda.

Si taa lamida Musharaxiinta Isbedel Donka ah ee Jubbaland ayaa iyaguna Doorasho ay qabteen Madaxweyne ugu Doortay C/Rashiid Xidig oo kamid ahaa Baarlamaanka Federaalka.

Balse Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay In ay san aqoonsaneen doorashooyinkii kismaayo ka dhacay.

War kasoo baxay wasaaradda arimaha Gudaha XFS ayaa lagu sheegay in DFS ay ka Xun tahay wixii Kismaayo ka dhacay islamarkaana aysan Aqqonsan doonin Doorasho aan Loomarin Habraac Sharci ah.