Ahlu-Sunah Waljamaaca Oo Ku Dhawaaqday Go’aamo Ka Dhan Ah DFS.

0
208

Iyada oo mudooyinkii Dambe Magaaladda Dhuuso-Mareeb ay ka soconayeen shirar ay leeyihiin Golaha Sare ee Ahlu-Sunnah ayaa waxaa laga Soosaaray Go’aamo ka dhan ah Dowladda Federaalka.

Kulamadaa Waxaa shir gudoominaye Hogaamiyaha Ahlu-Sunnah Waljamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax waxaana Looga Arinsanaye Arimaha Galmudug.

Qoraal kasoo baxay ASWJ waxaa lagu sheegay in DFS ay ka baxday Balamihii Ay Wada galeen.

Waxaa Kaloo ASWJ ka Digtay in Dhuuso-Mareeb La Keeno Ciidamo ajaanib ah sida AMISOM oo ay sheegtay in Cawaaqibkii ka dhasha ay mas’uuliyadiisa Qaadi Doonto Dowladda Dhexe.

Hogaamiyaha Ahlu-Sunnah Waljamaaca.

Qodobadda Kale ee Qoraalka lagu faaqiday waxaa kamida in Ergeda Sooxushay Xildhibaanada Baarlamaanka Heer Federaal iyo Heer Dowlad-Goboleed ay qaateen awaamiirta Al-Shabaab Taasina ay ka dhigantahay in ay Soo Xulayaan Xubno Al-Shabaab u qidmeeya oo Danahoda ka shaqeeya.

HALKAN HOOSE KA DAALACO.