Kismaayo: Musharaxiin Ku Dhawaaqay In Ay Tanaazuleen.

0
235

Musharaxiin kamida kuwa ubartamaye Doorashadda madaxtinimada jubbaland Ayaa Maanta Kismaayo kaga dhawaqday in ay ka tanasuleen Musharaxnimadooda.

Musharax Axmed Cabdi Oo Tanaazulay

Axmed Cabdi oo kamid ahaa musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Jubbaland ayaa tanaasulay islamarkaana go’aansaday in uu ka haro tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Axmed waxaa uu sheegay in arimo isaga ugaar ah aawadeed uu isaga tanaazulay isaga oo aysan jirin cid kuqasabtay ama waxyaabo qasbaya oo uu dareemay.

Musharax Cabdi Xiis Oo Tanaazulay

Musharaxa xilka Madaxweynaha Jubbaland Cabdi Xiis ayaa saaka shaaciyey in uu ka tanaasulay tartankii uu ugu jiray Madaxtinimada Dowlad-goboleedka Jubbaland.

Waxaa uu sheegay in isaga oo xeerinaya Dalabka Jufadda uu ka dhashay iyo Arimaha Ka Taagan Jubbaland ay ku qasabtay in uu ka Tanaazulo Musharaxnimadiisa.

Jubbaland waxaa ka taagan jahwareer siyaasadeed tii ugu xumeed iyada oo ay xusid mudan tahay in Waraaqo adag ay isdhaafsadeen Qaramada Midoobe iyo Guddiga Doorashadda Jubbaland.